Malaayin shini ah oo lagu waday in la geeyo UK ayaa laga yaabaa in dib loogu celiyay halkii la keenay ama in la laayo kaddib meel marinta

sharcig ka bixidda Ingiriiska ee Midowga Yurub, waxaa hadalkaas laga soo xigtay nin doonayay in shinida uu usoo dhoofiyo UK.

Patrick Murfet wuxuu doonayaa in shinada uu kasoo dhoofsado Talyaaniga si uu uga ganacsado maadama shiniada ay beeraleyda ka caawineyso xoojinta tayada dalagga.

Sharciyo cusub oo dhaqan galay ayaa muujinaya in boqorka shinada ah loo dhoofin karo Ingiriiska.

Sanad kasta Mr Murfet wuxuu UK geeyaa shini badan oo uu kasoo dhoofsado Talyaaniga.

Si uu uga gaashanto in shinida uu geeyo halkaas uuna u hogaansamo shuruucda cusub, wuxuu go’aansaday in shinida uu marka hore ka dejiyo waqooyiga Ireland bisha April balse waxaa loo sheegay in la laayn doono waa haddii uu isku dayo tallaabadaas.

Mr Murfet wuxuu sheegay in uu geli doono khaasare lacageed oo gaarayo £100,000 oo gini waa haddii uu dalkaas geyn waayo shinida.

Isha bbc Soomaalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here