Hal aan ka idhaahdo Diin laawayaasha iyo Mulxidiinta

0

1-Waxaan rumaysanahay in ayna tiradoodu badnayn Soomalida sheegata Mulxidiinta, oo qayladoodu ka dheer tahay muuqaalkooda iyo jiritaankooda dhabta ah.

2- Akoontyada (accounts) ay furtaan , waxa leh dhowr qof oo la baxay magacyo kala duwan, qofkii daba galaana wuu ogaan karaa xaqiiqadan.

4-Waa koox yar oo abaabulan, laakiin ku socota qorshe ajendo sharaysan oo meelo kale ku xidhan.

5-Inaad ku dhaafto pagekaaga faalooyin (comments) ay mulxidiinta iyo diin laawayaashu ku caayayaan Allaah iyo Nabi Muxammad waa arin khatar ku ah diintaada, lagana yaabo inay noqoto (ku raali ahaansho gaalnimo (الرضى بالكفر), ee ayayna kula fogaan xoriyadda fikriga ee beenti, tirtir oo balog karee kuwa Allaah caayaya,si aanay pagekaaga ku cayaan Rabigaa iyo nabigaaga.

4- Qof Muslin ahaan jiray ayay dhacdaa inuu ridoobo oo diinta ka baxo-Allaah ayaa ka magan galnay-. Qura’aanka iyo xadiiska ayaad ka helaysaa arinkaasi, waxayna ka mid tahay fitnada dadku ku halaagsamaan. Sidoo kale kutubta fiqiga waxa ku yaala baab loo yaqaano “باب المرتد” , wuxuuna ka hadlayaa axkaanta shareecadu u dhigtay qofka Islaamka ka baxay ee gaaloobay

.
5- Diinta Islaamku waa raxmad iyo naxariis, sidaa awgeed waxa inagu waajiba inaynu naxariista iyo raxmadda Islaamka la wadaagno aadanaha oo dhan, lana jeclaano inay ku barwaaqaystaan caqiidada iyo iimaanka.

6- Caqiidada Islaamku waa caqiido aanu diidayn abuurka aadnaha iyo caqliga caafimaadka qabaa, waxay aadnaha ku hanuuninaysaa garashada Rabigii caza wa jalla abuuray, waxay fahansiinaysaa ujeedada noloshiisa iyo aaytiinkiisa aakhiro, taasina waxay siinaysaa xasilooni caqliya iyo inuu ka badbaado jaho wareer fikradeed.

7-Gaaladu waa laba nooc, nooc xaq raadisa oo raad guraya wax u bidhaamiya siday ugu hanuuni lahaayeen garshada Allaah iyo ujeedad nolosha dadka iyo meesha lagu socdo geerida ka bacdi. Nooca kalena waa kuwo mucaanidiina oo dafirid ku gaamurtay. Labada nooc waa in loola dhaqmo laba qaab oo kala duwan.

8-Xujooyinka caqliga ah iyo kuwa diiniga ah ee caddaynaya jiritaanka sugan ee Allaah, xaqnimada Risaalada nabi Muxammad, iyo hubaasha nolosha aakhiro, intuba waa xujooyin iyo daliilo burburinaya oo daadka raacinaya doodaha liita ee ay ku hadaaqaan mulxidiinta iyo diinlaawayaashu!

9- Sidaa awgeed, ayay fudud tahay in lala niqaasho, si hadal ah iyo qoraalba ah kuwa doonaya in laga qanciyo baadilnimada caqiidooyinka leexsan, noocay doonaanba ha ahaadaane.

10- Kuwa lala doodayaa ha noqdaan madaxweynta mulxidiinta iyadoo lagula doodayo fagaara yaal la iskugu yimaad, iyagoo ka soo baxay oo is caddaynaya sjhakhsi ahaan iyo magac ahaanba.

11- Dhalinta yaryar ee magac raadiska ah ama kuwa xaq raadiska ahab iyagana ha lala galo niqaash (one to one ) ah oo gaara , muddana socda.Wiil Yurub ka yimid ayaaanu mudo dhowr bilooda wada niqaashinaya (si gaara) wuuna islaamay , ilxaadkiina wuu ka soo noqday, anigoo masaajidka fadhiya ayaa la iis heegay, sujuudul shukri ayaan la dhacaym anigoo ku farxay nicmada Allaah siiyay, in kastoo ayna dhex mari jirtay doodo adag oo dhinac walba ah, jiritaan Allaah, Saxnimada Qur’aanka iyo anshaxa iyo akhlaaqada (ethics ).

12-Wax walba oo aynu yeelno, dadbaa si kastoo xujooyinka loogu sheego aan hanuunayn, tani waa xaqiiqo ay waajib tahay in la yaqiinsado, nabiyo ayaa waayay cid rumaysa, qaar baa qof kaliyi rumeeyay, miyaynu ka cod karsanahay, mise waynu ka aqoon badanahay nabiyadaa, jawaabtu waa maya ee kaa fiirso oo fahan, adiguna Allaah ugu shukri nicmada Islaamka iyo iimaanka ee uu ku siiyay.

13-Islaamku waa diinta ugu faafitaanka badan dunida oo dhan maanta sida ay qirayaan tira koobyada ay sameeyaan macdadyo kala duwani. Dumarka iyo raga soo islaamayaa waxay xujo u yihiin inay qaluubtu aqbalayso xaqnimada Islaamka.

14- Culimada Islaamku waa inay ka midoobaan caddaynta axkaamta sharciga ah ee khusaysa dadka caayaya Allaah iyo Rasuulkiisa, iyadoon siday tahay loo sheegayo.

Sh Maxamed Sh.Cabdiraxmaan Kaariye

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here