Waxaa soo baxaya wal wal cusub oo soo foodsaaaray Masuuliyiinta Dowlada Iiraan kaasoo salka ku haya suurtagalnimada duqeyn mar kale Mareykanku u geysto xarumaha Nuyuklerka Iiraan waliba si gaar ah Bam-ka halista badan ee Mareykanku kaligiis dunida ka heysto.
Bam-kaani oo Mareykanka kaliya uu farsameeyo oo lagu magacaabo bunker-buster ayaa ah midka dhulka hoostiisa duleelin kara mitiraad badan.
Xogaha hada soo baxaya oo Mareykanku ogaaday ayaa ah in qaar ka mid ah mambooyinkaan bunker-buster oo Mareykanku ku duqeeyay goobaha nuyukleerka Iiraan bishii June 2025 aysan wali qarxin oo iyagoo is qaba ay dhulkiisa hoostiia wali ku jiraan taasoo Iiraan laftigeeda haduu qarxo qatar ku ah.
Mareykanka waxaa la leeyahay hada wuxuu ku qabsan yahay inuu mar kale duqeeyo Iiraan sababo la xiriira inuu ka cabsanayo in Shiinaha iyo Ruushka hubkiisa uu gacanta u galo kadibna ay markooda soo saaraan iyagoo halkaaasi ka shidaal raacaya.
Halkaani sabab oo Mareykanka laga yaabo inuu duulaan u qaado ayaa Iiran hada wuxuu ku abuuray laba cabsi mida koowaad in bamku iskiis u qarxo iyo in duqeyn cusub Mareykanku la beegsado Iiraan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
