HALIS QARAN.

waa murugo iyo uur ku taalo in Shirka Golaha Amaanka ee QM oo la qaban doono dabayaaqada bishan. Looga hadlayo arimaha Soomaaliya in laga doodi doono qorshe dowladnimada Soomaaliya hoos loogu dhigayo.

Hada waxay ka mid Tahay wadamada ka soo baxay Chapter7. Balse haatan ayey QM dooneysaa in dib loogu celiyo Soomaaliya Chapter7 si Kumeel gaar ah. Si baa la yiri QM awood ugu hesho in la Qabto dooradhada 3 ilaa 6 bilood gudahood. Meeshana looga saaro wax kasta oo cabad ku ah hanaan doorasho oo wadar ogol ah. Kana soo horjeeda hanaanka Dimoqraadiyada ee waqtiga badan la geliyey. Si loo xoojiyo awooda shacabku u leeyihiin xulashada waxa ay doonayaan iyo soo bandhista aragtiyadooda si keli keli ah iyo mid isu soo baxyo ahba.

Hadaba waa arin in leys weydiiyo u baahan halkee ayaan u soconaa. Madaxweyne Farmaajo ma sii joogi doonaa iyadoo ay xaaladu halkaa joogto dibna inoogu celiyey halkii aynu ka soo gudubnay 2012. Soomaalidu yeysan indho sarcaad been ah isku maaweelinine mid muxaafid ah iyo mid mucaarad ahba waa in isu taagaan in la wajaho marxalad caqli iyo faham ku dhisan oo lagu wajaho xaaladan chapter7 in aan la inugu ragaadin. Waqti dheerna uusan inagu qaadan. Chapter7 waa dalalka la geliyo isku day inad ogaatid. Ka hor intadan jawaab ka bixin qormadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here