XIGASHO LAACIB.NET
Halyeeygii hore ee Liverpool, Dietmar Hamann, ayaa shaki weyn ka muujiyay awoodda Manchester City ee ku guuleysiga koobab waaweyn mustaqbalka, isagoo sheegay in tababare Pep Guardiola uu joogay kooxda waqti ka badan intii loo baahnaa.
“Wax walba mar bay dhammaadaan. Klopp wuxuu Liverpool joogay siddeed sano ka badan ka hor inta uusan iska casilin xilka. Wuxuu sheegay in waqtiga uu ku adkaaday oo uu u baahday nasasho,” ayuu yiri Hamann.
Isagoo barbar dhigay Guardiola, Hamann wuxuu sheegay: “Pep wuxuu joogay sanad ama laba in ka badan. Shaqadani waa mid daal badan – masuuliyad culus, saxaafadda, safarada. Waxay kaa nuugeysaa tamarta. Runtii waan la yaabay inuu wali tababare yahay xilli-ciyaareedkii hore.”
Hamann ayaa intaas ku daray inuusan filaynin in City mar kale ku guuleysato Premier League ama Champions League:
