MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Agaasimaha guud ee Waasaradda Warfaafinta Xukuumada Dan-qaran ee Federaalka Soomaaliya ayaa bahda Saxaafada la wadaagay hambalyo ku aadan maalinta Radiyaha Aduunka.

Agaasimaha wuxuu ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee dalku soo maray marka la eego taariikhda Raadiyihii  Dowlada Somalia markii dhidabada loo taagay iyo la hor-ba dadku sida ay wax u dhageysan jireen.

Advertisement

“Xuska maalinta Raadiyaha Aaduunka oo maanta ku beegan 13-ka Febraayo waa maalin weyn,Raadiyuhu waa waxa ugu faca weyn ee dunida lagu gaarsiin jirey akbaaraadka”ayuu yiri Agaasimaha guud ee Waasaradda Warfaafinta Xukuumada Somalia.

Agaasimaha wuxuu intaasi ku daray in raadiyaha dadka lagu gaarsiiyo fanka,suugaanta,waxbarashada iyo wax kasta oo la rabo in bulshada la gaarsiiyo.

Mar uu ka ka hadlaayay xiligii hore intaanu dalku yeelan Raadiye waxaa la dhageysan jirey BBC iyadoo dadkuna badankiis raadiye xitaa heli karin,Agaasimuhu wuxuu sheegay in sameecado lagu xariirsho in sidaas dad badan oo isku soo baxay ay dhageysan jireen wararka BBC-da.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleMadaxweyne Xasan oo Tacsi ugu tagay Safiirka Imaaraatka
Next articleDab khasaare hantiyeed gaystay oo ka kacay nawaaxiga Say-biyaano

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here