Hamdi mahamed Faarax Waxa ay 150 maalin (5Months) Sugeysaa Cadaalad walina ma Aysan Helin ,11-September-2020 maalin Jimco ah Waxaa Koox manaxayaal Arxan laawo yaal ah Waxaay u geestay kufsi ,Dil Iyo in maydka marxuumadda laga soo tuuro dabaq 8-biyaano ah.

Hay’adaha Amaanka ayaa Kiiska Hamdi usoo Qabtay dad gaaraya ilaa 12-Ruux oo ku jiro Ninkii Shirqoolay hotelkana geeyay hamdi kuna eedsanan dilka Iyo kufsiga walaasheyn , balse hamdi wali Ma aysan helin Cadaalad Waxaa ayna weyday madalaad iyo dad u doodo Hamdi.

Xildhibaanka Hamdi ku matala Golaha Shacabka waa Hassan Macalin Maxamuud Si xoog leh ayuu uga gaabiyay kiiska hamdi waxaa uuna ku soo koobay Arinta hamdi oo baahan hiil Iyo garab taagnasho in hal maaln uu Sawir ku soo galo maxkamadda gobolka Benaadir kadibna wax talaabo ah ma uusan qaadin Xildhibaan Xassan Macalin.

Qoyska Hamdi Mahamed Faarax dhowr mar ayay media ka hadleyn ayagoo cabasho qaba Cadaaladda dalbanaya kadib markii maxkamadda Qaab dhuumaleysi ah ku sii deysay 9-Ruux oo ka mid ah 12 Qof oo kiiskaas loo haayay , kadib Siyaasiyiin ,xildhibaano iyo masuuliyiin dowladed ay Isku dayn in ay duugan dhibka Foosha xun ee loo geestay Hamdi Yariisay.

Waxaana Xanuun kale Sii ah 3-Qof oo ay maxkamaddu Reebtay ayaa malmihii u danbeeyey waxaa socday Qorshe la rabo in Xabsiga Looga sii daayo Waxaana arinkaas horboodayo Rag siyaasiyiin ah balse Hamdi Ma aysan helin Xildhibaan Iyo Siyaasi u dooda kana Shaqeeya Cadaaladda u helidda #Hamdimaxamedfaarax.

HamdiYariisay waxaa ay u baahan tahay matalaad Dhab , Hadii la waayay Xildhibaan Ka damqada garab taagnada reer Hamdi Waxaan Soo Jeedinayaa in Siyaasiyiinta kale Aysan ka aamusin Arinta Hamdi.

Amb Hussein A Talabadan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here