HANAANKA DOWLAD DHISKA DALKEENA MAXAA HORTAAGAN? (Faalo Gaaban

0

Bulsho walba oo dunida ku nooli waxay tiigsataa hadaf iyo ujeedooyin ay guureyso hanaan horumar iyo saameyn ku dhisan. Taas oo ay u marto xoojinta hey’adaha dowliga ah iyo kuwa madaxa banaan. Kuwaa oo ah furaha nolol degan oo horumarsan. Bulshooyinkaasi waxay garab istaageen dowladooda oo ay difaac iyo garaba u noqdeen. Taas oo keentay wadamada horumaray halka ay gaareen. Waxay dhinac iska dhigeen kala jiidasho shisheeye iyo faragelin kaga timaada dibada.

Haatan hanaankeena diwladnimo waa mid liita marka loo eego caalamka. Waxaa ina heysta dhibaato amni. Dhaqaale. Nololeed iyo mid siyaasadeed. Waxaa dayacan badeena oo burcad badeed shisheeye ahi kaluunkeena xaalufinayaan. Waxay noqotay qashin qubka ugu weyn ee haraaga sunta nukleyrka iyo warshada daawooyinka. Heerka shaqo la’aantu waa mid heerkeedu sareeyo oo 70% dadkeenu waa shaqo la’aan.

Waxaa jira in Siyaasiyinta Soomaaliyeed ku kala xiran yihiin wadamo shisheeye oo dano kala duwan ka leh dalkena. Sida Mareykanka. EU. UK IWM oo dano Dhaqaale iyo istraatijiyad siyaasad iyo milateri isugu jira inaga leh. Kuwaa oo xarig jiid xoog leh kaga jira dalkena.

United Arab Emirates & Sacuudi careebiya oo dano kala gedisan Soomaaliya ka leh. Aan kala qaadno.
Emirates waxay ujeedadeda ugu weyni wa in la hor istago Soo saarista Shidaalka ku jira dalkeena oo ay u aragto khatar ku soo wajahan labo sababod awgood.
1: Shidaalka Soomaaliya oo la soo saaro waxuu abuuraya awood dhaqaale oo ay Somalia ku dhisan karto dekedo waa weyn oo u dhigma kuwa Emirates. Taas oo keeni karta in badeecadaha Afrika ay ka doontaan Emirates ay joogsadan oo ay Soomaaliya kala wareegto. maadaama ay Somalia leedahay xeeb iyo bad fidsan.ugana amni badan maraakiibta Ganacsiga oo haatan isticmaasha dekedaha Emirates. Oo dhibaato kala kulma gacanka Hormus iyo baabul mandab. oo mar walba ay ka taagan tahay xiisad kala dhaxeysa Dalka Iran.
2: waxay Emirates aaminsan yihiin hadii ay Somalia amni iyo dhaqaale hesho inay kala wareegi doonto dalxiisayaasha caalamka kaga yimaada. Sidaa darteed dhaqaalaha Emirates oo 70% ku tiirsan Dekedaha iyo dalxiiska ayey ku difaacaneysaa in ay Somalia burbur ku jirto.

Sacuudi Careebiya iyadu danra keli ah ee ay leedahay ayaa ah in ay Soomaaliya ay ahaato daba dhilif u nacamleeya. Go’aamo kasta oo ay qaadatana ku raacda sax iyo khaladba. waxayna dooneysaa dowlad awood yar oo wax loo yeeriyo inay Soomaaliya ahaato

Kenya oo damac xuduudeed dhinaca beriga iyo bada ah ka wada Soomaaliya. Marna aan raali ka aheyn inan yeelano dowlad awood leh oo difaacan karta danaha dadkeeda.
Itoobiya oo aan bad laheyn isla markaana garwaaqsan in ay dhibaato la mid ah tii ka soo gaartay 1977 dagaalkii dhex maray Somalia IYO Itobiya. Taas darteedna aan diyaar u aheyn in Somalia marna noqoto dowlad awood leh oo dhinac degan.

Qatar oo labo ustraatijiyaded ka leh fara gelinteda Somalia oo kala ah:
1: inay Somalia ka dhigato tuul ay siyaasad ahaan kula dirirto Wadamada Khaliijka ee ay is Hayaan.
2: inay Somalia ka dhigato saldhig ay ka maamusho kana maalgeliso kooxo argagixiso ah oo ay taagerto oo ku kala sugan Afrikada bari iyo galbeedka Afrika iyo Yeman.

Dalka TURKEY Xaqiiqiyan dalka si cad ay uga go’an tahay in la helo dal leh awood xoog badan oo la yiraahdo Somalia in uu sameysmo.

Hadaba wadamadaa ayey Siyaasiyiinteenu ku kala xiran yihiin. Taas inta ay jirtana marna lama heli doono dowlad xoog leh oo hanan karta amniga iyo xuduudaha dalkeena. Mana la filayo in laga faa’iideysan doono soo saarista Shidaalka dhex ceegaaga dalkeena. Waxuu ku dambeyn doonaa shaqsiyad gaara gacantoda.

Dhamaad.

Abdurashid Abdulle Abikar

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here