HomeWarkiiDowlada oo ugu hanjabtay Shariif Sh.Axmed iyo C/raxmaan C/shukur in laga jarayo...

Dowlada oo ugu hanjabtay Shariif Sh.Axmed iyo C/raxmaan C/shukur in laga jarayo bishaan mushaarka ay qaataan

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa mar kale maanta baaqday fadhiyada Baarlamaanka  Soomaaliya kadib markii la wayay tiradii lagu geli lahaa shirka madaama inta badan ay maqnaayeen xildhibaanada,waxaana arintaasi cara badan ka muujiyay gudoonka Baarlamaanka.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka C/llaahi Cumar Abshirow oo ka hadlayay baaqashada shirka ayaa si caro leh wuxuu markiiba ugu dhawaaqay in dhamaan Xildhibaanada caadeystay inay maqnaadaan laga jari doono mushaarka ay qaataan.

Xildhibaanada Masuulkaasi ugu goodiyay in laga jarayo gunada ama mushaarka waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo 𝐂/𝐫𝐚𝐱𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐂/𝐬𝐡𝐚𝐤𝐮𝐮𝐫 oo labaduba ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ,sidoo kalana ka mid ah misharixiinta xilka madaxweynaha iyo mucaaradka Dowlada.

Kulanka maanta kooram la’aanta u  baaqday waxaa soo xaadireen 126 xildhibaan oo kaliya halka guud ahaan xildhibaanadu yihiin ku dhawaad 3 boqol mudane, inkastoo qaarkood dibada jiraan hadana inta dalka ku sugan ayaa ka badan kooramka kuwaasoo aan imaaneyn.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -