XIGASHO LAACIB.NET
Tababaraha Barcelona Hansi Flick ayaa ku boorriyay ciyaartoyda inaysan si buuxda ugu mashquulin guushii finalka Super Cup-ka Spain ee ay ka gaareen Real Madrid, isagoo xasuusiyay inay dareenkooda si degdeg ah ugu wareejiyaan ciyaarta berrito ee wareegga 16-ka ee Copa del Rey oo ay la leeyihiin Racing.
“Waa inaad ku raaxaysataan xaaladahan oo kale sababtoo ah wax kasta si degdeg ah ayay isu beddelaan, aad ayaanuna ugu faraxsanahay sida ay wax u socdaan.
Dadka ku nool Barcelona aad ayay ugu naxariis badan yihiin aniga iyo kooxdayda, waxaana jecelahay inaan tan khibrad u yeesho. Taas ayaa ah sababta aan maalin kasta ugu shaqayno si adag.
XIGASHO LAACIB.NET

