HomeCiyaarahaHansi Flick oo farriin cad u diray Lamine Yamal kadib kulankii Chelsea

Hansi Flick oo farriin cad u diray Lamine Yamal kadib kulankii Chelsea

XIGASHO LAACIB.NET

Lamine Yamal wax saameyn ah ma yeelan kulankii Barcelona iyo Chelsea, taasoo ugu wacnayd Marc Cucurella oo si aad ah u difaacayay kana dhigay mid aan fursad helin.

Tababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa kulanka kadib fariin cad u diray xiddiga da’da yar:

“Cucurella waa mid ka mid ah daafacyada bidix ee ugu fiican adduunka, waa ciyaaryahan heer sare ah,” ayuu yiri Flick.

“Laakiin hadda waa waqtigii Lamine uu u istaagi lahaa inuu muujiyo sida uu u fiican yahay. Waa inuu hilmaansiiyo dadku wixii dhacay kulankii Chelsea.”

Flick ayaa sheegay in tani tahay marxalad uu Yamal ku caddeyn karo tayadiisa dhabta ah:“Tani waa waqtiga uu muujinayo awooddiisa.”

Barcelona ayaa kulanka xiga ku wajahaysa Deportivo Alavés Camp Nou, taasoo noqon karta fursad uu Yamal ku xasuusiyo taageerayaasha sida uu u yahay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu hibada badan dunida.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -