HomeCiyaarahaHansi Flick oo dalbaday daafac cusub – Barca oo dhaqdhaqaaq ka billowday...

Hansi Flick oo dalbaday daafac cusub – Barca oo dhaqdhaqaaq ka billowday suuqa

XIGASHO LAACIB.NET

Sida ay werisay idaacadda COPE, tababaraha kooxda Barcelona, Hansi Flick, ayaa calaamadsaday in la keeno daafac dhexe oo cusub inta lagu jiro suuqa Jannaayo, xitaa ka hor inta uusan dhaawaca halista ah ee ACL soo gaarin Andreas Christensen.

Macallinka u dhashay dalka Jarmalka ayaa doonaya inuu keeno daafac la isku halleyn karo oo xasillooni ku soo celiya daafaca kooxda oo loo arko mid nugul, gaar ahaan ka dib markii lagu dhibtooday kulankii Espanyol inkastoo ay guul 2-0 ah gaareen.

Ilaa hadda, baadi-goobka Barcelona ayaan dhalin natiijo fiican sababo la xiriira ciyaartoyda suuqa ku jira oo aan ku habboonayn waxa uu Flick raadinayo iyo dhibaatooyinka dhanka dhaqaalaha ee xannibaadda FFP ee kooxda ka haysta.

Maadaama uu sidoo kale shaki ku jiro waqtiga rasmiga ah ee uu soo laabanayo Ronald Araujo, Flick ayaa u arka inay muhiim tahay in la helo saxiixyo cusub bishan si loo xoojiyo safka dambe ee kooxda.

XIGASHO LAACIB.NE

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -