HomeCiyaarahaHansi Flick oo sharaxay sababta uu u bed-beddelo daafacyada dhexe ee Barcelona

Hansi Flick oo sharaxay sababta uu u bed-beddelo daafacyada dhexe ee Barcelona

XIGASHO LAACIB.NETTababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa ka hadlay su’aalaha ku saabsan sababta uu tan iyo bilowgii xilli ciyaareedka u bed-beddelo daafacyada dhexe ee kooxdiisa.

Flick ayaa kulamo kala duwan ku soo bilaabay Andreas Christensen, Ronald Araújo, Pau Cubarsí iyo Eric García, taas oo taageerayaasha iyo falanqeeyayaasha ku abuurtay shakiga ah inuusan garanayn lammaanaha daafac dhexe ee ugu fiican kooxdiisa.

Si kastaba, isagoo shir jaraa’id kaga hadlayay kulanka PSG, Flick ayaa ku dooday in xaaladdu aysan sidaas ahayn.

“Ma aha inaanan helin daafacyada dhexe ee bilowga ama wax la mid ah,” ayuu yiri Flick.

“Waxaan leenahay kalsooni iyo tayo badan; waxaadna arkeysaa dhaawacyada labada kooxoodba, waana inaan si taxaddar leh u maamulnaa,” ayuu tababaraha Jarmalka ku daray.

Barcelona ayaa si taxaddar leh u maamulaysa xaaladda ciyaartoyda difaaca si aysan mar kale ugu dhicin dhibaato dhaawacyo badan ah oo kooxda saameeysa.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -