Xafiiska Hanti dhowraha Qaranka ayaa si cad uga hor yimid magacaabis sharci darro ah oo 20 February 2023 ka soo baxday xafiiska wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada kaas oo loogu magacaabay Zakariye Faarax Axmad agaasimaha maamulka, maaliyadda iyo adeega guud ee hay’adda duulista rayidka.

Xafiiska Hanti dhowraha ayaa cadeeyey in sifo aan sharci aheyn lagu magacaabay mudanahaas, sidoo kalena magacaabistan ay ka hor imaaneyso madax banaanida hay’adda Duulista, kana hor imaaneyso sharciga Duulista rayidka qodobkiisa 19-aad oo dhigaya in hay’addu u madax banaantahay, shaqaaleysiinta iyo magacaabista agaasimiyaasha waaxyaha.

Advertisement

Maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxaa jiray dhaliilo loo jeedinayay wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada xil. Fardowso Osman Igal, taasoo aheyd ku tagri fal awood iyo burin heshiisyo sharci ah oo ay heysteen qandaraaslayaal Soomaaliyeed, kuwaas oo adeegyo ka bixinayay Garoonka Aadan Cabdulle.