Wajeer (dayniile.com)-Dab xooggan ayaa xalay ka kacay suuqa Magaalada Wajeer ee Waqooyi Barki Kenya kaasoo socday dhowr saacadood, wuxuuna baabi’iyay inta badan goobihii ganacsi.

Wareysi ay bixiyeen ganacsatadii suuqaasi ayaa badankood eeda waxay dusha ka saareen masuuliyiinta Dowlada Kenya ee madaxda ka ah ismaamulka Wajeer.

Advertisement

Ganacsatada waxay ku dhaliileen masuuliyiinta gurmad la’aan iyo in xitaa taleefanadii laga qaban waayay qaarkoodna ayba dhahan amar uma heysano inaan idin caawino.

Hal nin oo Ganacatada ka mida ayaa sheegay inuu dabka xalay ku waayay hantidii ganacsigaasi ugu jirtay oo dhan taasoo uu ku sheegay 40 Milyan oo lacagta Kenya ah waxayna u dhigantaa Doolar ahaan 40-kun.

Dabka ayaa kacay xalay 10:30 habeenimo wuxuuna socday 8 saac saq dhexe,ugui danbeyn waxaa bakhtiijiyay roobka raxmada Alle.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here