Suuqa sarifka ee Hargeysa
Image caption: Suuqa sarifka ee Hargeysa

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa, ayaa sheegaya in lacag been abuur ah oo doollarka maraykanka ah ay magaalada soo gashay, taasoo mishiinnada lagu ogaado lacagaha aysan qaarkood qaban karin.

Lacagtaas ayaa lagu sheegay in ay tahay qeyb ka mid ah 50-ka doollar oo mid aad ugu eg la soo saaray, iyadoo sarriflayaasha lacagta ay sheegayaan in ay soo baxday sanadkii 2013-kii, taas oo keentay in la isku qaldo labada lacag.

Sarriflayaasha, ayaa sheegaya in ay iyagu kala garan karaan lacagaha midda saxda ah iyo tan kale, balse bulshada iyo ganacsatada magaalada ayaa dhib weyn ku qaba lacagtaas, taas oo sababtay in ganacsatada ay gebi ahaanba iska diidaan in ay qaataan lacagta 50-ka dollar ah.

Arintan ayaa saameyn ku yeelatay dadka heysta lacagta 50-ka doollar, maadaama aysan helleynin meel ay ku sarrifan karaan ama goob ay wax uga iibsadaanba. Maamulka Bangiga dhexe ee Soomaaliland oo ay BBC-du la hadahay ayaa xaqiijiyay in ay iyagu qudhoodu hayaan lacagtan been abuurka ah, balse ay xog faahfaahsan dib ka soo saari doonaan

Xigasho bbcda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here