Xassan cali khayre Waxa uu bad baadiyay laba mar soomaaliya isagoo ka bad baadiyay in ay gasho Gacan kaligii talis, xaalku sida maanra uu yahay waa kasii xumaan lahaay haddii xassan cali khayre aqbali lahaay sida laga rabay oo ahayd in uu qayb ka ahaado Muddo kororsi & Awood ku dhisan Xukun boob,

Waxa uu xilka uga tagay isagoo diidan in Soomaaaliya laga lumiyo Jidka doorashada ku dhisan Dimoqoraadiyada & Wadar ogolka, Isla markaana waxa uu uga digay Ummada Soomaaaliyeed Qorshaha socda ee lagu doonayo in Xukunka dalka laga dhigo dhaqan kaligii talis ah, cod dheer ayuu ku yiri ( Ma doonayo in aan qayb ka ahaado caburinta shacabka & bur burinta Dowladnimo wannaaga ) .

Laga bilaabo maalintii uu is casilay Xassan Cali khayre waxaa bilaawday in Taxadar laga yeesho xaaladaha taagan & waxa laga filan karo qorshaha halista badan ee loo maleegay Soomaaliya, waxaana maalinba maalinta ka dambaysa fashilmayay qorshayaasha lagu doonayay in soomaaliya looga weeciyo jidka awoodda Dimoqoraadiyadda & Dowladnimo wannaaga ) .

Hassan Ali khayre, Ayaa ahaay xudunta fashilka qorshayaasha kaligii talis ee soomaaliya laga bad baadiyay, Guushii labaad ee laga gaaray faahilinta qorshaha kaligii talisnimo, waxay ahayd maalintii Jimcaha oo lagu guulaystay in jilbaha dhulka loo dhigo Damacii guracnaa ee lagu doonayay in soomaaliya looga leexiyo jidka Dimoqoraadiyada & Dowlad wannaaga, Waxaana qayb lixaad leh ku lahaay Xassan cali khayre oo dajiyay Qorshaha ( Fayditaanka damaca Kalgii talisnimo & bad baadinta nolosha dibad baxayaasha ) waaxaana loo maray jid laga baaraan degay oo lagu guulaystay. Waxaana hubanti ah in Xassan Cali khayre yahay Sunta dishay cudurka kaligii talis & Daawada bad baadisay Nolosha Dimoqoraadiyada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here