.Eldoret (dayniiile.com)- Ciidamada Booliiska magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu ee Dalka Kenya ayaa gacanta ku soo dhigay Haweeney askariyad ah oo shalay subax ninkeeda ku dishay magaaladaas.

Muran dhanka qoyska ah ayaa la sheegay inuu u dhexeeyay labada lamaane taasoo ugu danbeyn sababtay in haweeneyda ay si xun u disho ninkeeda.

Advertisement

Askariyadaan ayaa shalay subax tagtay gurigeeda iyadoo wadata qorey madaama ay ka tirsan tahay ciidamada Booliiska Kenya kadibna waxay ku dhufaty ninkeeda ugu yaraa 12 baalooto taasoo keentay inuu markiiba nafta ka baxdo ninkeeda.

Haweeneyda gacan ku dhiiglaha waxaa la sheegay inay tahay hooyo heysata sedex caeuur ah hadana ay xiran tahay.

Falkaan ay ku kacday hooyadaan booliiska ayaa waxaa saxaafada u xaqiijiyay taliyaha booliiska ee ismaamulka Uasin Gishu ,Benjamin Mwanthi.

Si kastaba gacan ku dhiiglaha ayaa maanta lagu wadaa in Maxkamada la soo tago si loogu qaado kiiska dilka ah ee ay ku eedeysan tahay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleDeeq Dawo ah oo la gaarsiiyay Isbitaalka Degmada Jawiil.
Next articleShacabka Muqdisho oo xalay sameeyay isu soo bax ka dhan ah Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here