Haween Xaamilo ah oo saakay lagu dilay Degmada Dayniile.

Kooxo hubeesan ayaa saakay aroortii xaafada Warlaliska ee degmada Dayniile waxa ay ku dileen labo haween ah oo la sheegay in ay xaamilo ahaayeen halka labo kalana dhaawaceen.

Haweenkan ayaa la weeraray xili ay mooto bajaaj raacayeen kuna sii jeedeen goob ay ka shaqeeyaan, waxaana laga toogtay haweenkan madaxa ,waxaana goobtaasi ku geeriyooday labo kamid ah haweenkaasi oo xaamilo ahaa halka mid kalana saacad kadib goobta laga qaaday iyada oo garaab ah.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in haweenkan la dilay ay nadaafad ahaan uga shaqeenayeen Wasaarada Gaashaandhiga, waxaana baxsaday kooxdii ka dambeeday dilka haweenkan

W/Q Gacal Xuseen Gacal Ayman

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here