Haweenay 28 Jir ah ayaa Maxkamad la soo taagay kadib markii ay Cabudhisay/ Naqaska ku xidhay caruurtaadii, sidaasna ku dishay 5 caruur ah oo ay dhashay, Kadib markii ay aragtay SAWIR ninkeeda oo Naag kale kula jira Sawir.

Haweenaydan ayaa haysatay 6 caruur ah waxayna dishay 5 ka mida caruurteedii, xili uu ka 6aad oo ah 11 Jir ah uu ka maqnaa Guriga.

Makxamada ayaa dilkan ku Tilmaatay MUSIIBO

Isla Maxkamada ayaa Haweenaydan 28 Jirka ah ku xukuntay XABSI 15 Sano oo aan cafis lahayn.

Haweenaydan ayaa la sheegay kadib markii ay dhisay caruuteeda in ay rabtay iyaduna inay is disho oo ay Tareena isku dhigi rabtay,
Warqad ay qortayna waxay ku qortay caruurtaada dib uma arki doontid.

Qareenkii Haweenaydan u doodayay ayaa sheegay in ay Maskaxda ka xanuusantahay sidaa darteed xukunka laga khafiifyo ama la siidaayo
Kadib Maxkamadii waxay u yeedhay ama u xilsaartay khabiir dhanka Maskaxda ah si loo baadho bal inay xanuusantahay iyo in kale

Khabiirkii waxa uu sheegay in aanay xanuusanayn ee ay leeyahay Shaqsiyad Nacasnimo ah.

Haweenaydan ayaa Suuliga dhexdiisa Naqaska ku wada xidhay 5 ay dhashay. Sababta dilkaasi ay u geesatay aayaa haa MASEER, Waxayna ka maseertay Naag kale oo Sawir kula Jirta NINKEEDA. kaas oo ula muuqday LAMAANE CUSUB.

Subxanallah waa Dhacdo Xanuun leh.
Sawir Kali ah u dil 5 Ubadkaaga ka mida Waa MUSIIBO.

Dilka ayaa dhacay sanadkii hore ee 2020kii
Balse maanta ayay Maxkamadu xukuntay Haweenaydan.

SNG
Mohali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here