NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Haweeney booyaasad ama shaqaale ka ahayd guri ku yaal Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya ayaa xaday Bistoolad iyo 40 baalaato oo rasaas ah,sidoo kale waxay xaday lacag laba kun doolar ku dhaw.
Booliiska ayaa hada ku howlan baadi goobta haweeneydaasi oo ka shaqeyneysay guri ku yaal xaafadda Kileleshwa ee Nairobi balse intii ay nadaafada ku jirtay ayay heshay furasad ay lacagta iyo bistoolada ku xaday.
Haweeneyda shaqaalaha ahayd ayaa sidoo kale waxyaanaha ay xaday waxaa ka mid ah dukumentiyo dhul,iyo Dahab , Booliiska wali wax warbixin ah ma soo gudbin oo ku saabsan halka uu u marayo baadi-goobta haweeneydaasi.
Inta badan dumarka guryaha Nairobi ka shaqeeya waa ajaanib ka yimid dalalka kale ee Afrika sida Uganda,Xaafada Islii-Nairobi ee Soomaalidu degto ayayba ku badan yihiin haweenkaani oo marka ay fursad heleen wixii ay arkaana qaadanaya dib danbana looma arkayo oo waxay u badan tahay inay dalalkooda dib ugu laabtaan madaama la xiraayo hadii la qabto.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
