Dhacdo murugo leh isla markaana hadal hayn ka dhalisay baraha bulshada, aya ka dhacday magaalada Garissa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, taas oo ah in haweeney ay ninkeeda u geysatay dhaawac, kaddib markii qeybo kamid ah jirkiisa ay ku shubtay saliid ay aad u soo karkarisay.

Ninka oo lagu magacaabo Maxamed Nuur Sheekh, ayaa ah darawal, waxayna xaaskiisa isu dhaleen laba carruur ah oo wiil iyo gabar ah da’adooduna kala ah todobo iyo shan jir.

Advertisement

Waxaa la sheegay in xaaskiisu ay ku shubtay saliidda isagoo sariirta hurda xili subax ah, wax yar un markii uu seexday kaddib markii uu ka yimid shaqo. Wararka ayaa sheegaya in xaaska ay ka maseertay ninkeeda, xaalna u aragtay inay saliidda ku shubto.

Xaska falkan geysatay ayaan la ogeyn halka ay jaan iyo cirib dhigtay, ninkana waxaa lagu dabiibayaa isbitaalka guud ee magaalada Garissa.

Previous articleNISA oo shaacisay inay gacanta ku dhigtay Gaari Qaraxyo lagu soo raray
Next articleMaxaadan ogeyn markaad u Safarto Dalka Takyaaniga lagaaga baahan yahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here