Haweeney u dhalatay dalka Mareykanka ayaa toogtay nin rasaas ku furay dad ku sugnaa magaalada Charleston ee gobolka West Virginia.

Dennis Butler, oo 37 jir ah horeyna la sheegay in uu galay dambiyo waaweyn, ayaa la dilay ka dib markii uu beegsaday dad ku dhow 40 qof oo ka qeyb galayay xaflad dhalasho ah.

Afhayeen u hadlay booliiska oo lagu magacaabo Tony Hazelett ayaa sheegay in falcelinta degdega ah ee haweeneyda ay badbaadisay dad badan lagana yaabo in ay ka hortagtay in ninkaas oo dad badan toogan lahaa.

Waxay ku soo beegantay dhacdadan iyadoo Mareykanka ay ka taagan tahay dood qaran oo ku saabsan hubka ka dib toogashadii ka dhacday iskuul ku yaalla gobolka Texas.

Booliska kama aysan hadlin wax khasaare ah oo ka dhashay dhacdadan.

 

Office Nairobi Kenya

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here