Xaafada Daami oo ka tirsan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool waxaa lagu dilay Haweeneg 75 jir ahayd.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya durba dilka haweeneydaasi sida in aano qabiil loo beegsaday iyo warar kale oo sheegaya in wiil ah waalid u ahayd uu dilay.

Advertisement

BBC-da laanteeda afka Soomaalliga ayaa wareysatay Cilmi Baashe oo la  sheegay inay ayeeyo u tahay Marxuumada,wuxuu sheegay inuu dilka gaystay walaalkiis.

Cilmi wuxuu intaasi ku daray in walaalkiis xanuunsan yahay islamarkaana uu yahay qof waalan, mudana ku xirnaa xarun lagu daweeyo dadka dhimirka la’.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay qabteen ninka waalan ee ayeeyadiis dilay ayna qorsheynayaan inay ku celiyaan xarunta Manhal ee Laascaanood halkaasoo dib loo howlgeliyay madaama ay ku xirantau dagaaladii Laascaanood.

“Garabka ayuu mindi ka geliyay islamarkiibana dhiig bax ayay u dhimatay ayeeyo,anagaana ku kala cararnay markey dhulka ku dhacday”ayuu yiri Cilmi Baashe oo cadeeyay in rabi ha u naxariistee  ayeeyo ay dhashay hooyadiis.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleBaarlamaanka oo maanta mar kale u balansan ajandihii buuqa ku dhamaaday.
Next articleSoomaaliya Oo Ku Biirtay Guddiga Fulinta Cimiladda Maaliyadeed ee Adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here