Haweenka ku dhaqan Magaalada Guri-ceel ee Gobolka Galgaduud ayaa raashin nuucya kala duwan leh waxay gaarsiiyeen ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka ee ku sugan jiida hore ee dagaalka Alshabaab.
Haweenkaan ayaa raashinka waxay ku xireen baco yar yar si ay ugu sahlanaato qeybintiisa marka ay tagaan furimaha dagaalka halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidamada jiida hore ee dagaalka.
Deeqo Aadan Warsame oo ah Gudoomiyaha Haweenka Guri-ceel ayaa u sheegtay TV-ga Qaranka inay iyadoo ku hadleya magaca haweenka marka ugu horeysa u tacsiyeyneyso wiilkii shalay isku dhigay gaarigii walxaha qaraxaha laga soo buuxiyay ee Alshabaabku la rabeen inay ku laayaan madaxweynaha Galmudug iyo masuuliyiin kale oo la joogtay.
Deeqa waxay ugu baaqday Dowlada in wiilkaasi taalo loo dhiso madaama uu ahaa geesi qaran oo dalka iyo dadkiisaba u hurey naftiisa.
haweeneydaan waxay dhanka kale sheegtay inay ciidamada u diyaarsheen raashin isugu jira Buskud, Malaay iyo Timir islamarkaana ay ugu talo galeen inay ku garab istaagaan Ciidamada Xooga Dalka,kuwa Galmudug iyo kuwa deegaanka.
“markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu iclaamiyay dagaalka lagu cirib-tiraayo Alshabaab ayaan u is taagnay inaan ciidamada caawino oo is garab taagno hadaa nahay hooyooyinka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Galmudug”ayay tiri Deeqa Aadan Warsame oo balan qaaday inay sii wadi doonaan caawinta ilaa iyo dagaalku socdo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM