HAWIYE & KHAYRE

0

Marar badan ayaad aragtay dad u dhashay beesha hawiye oo eedaynaya Ex ra’isul wasaare khayre ama ku tilmaamaya nin u adeegay Madaxwayne Farmaajo, dadkaas walaalaha ah waxaan rabaa in aan is waydiino su’aalo dhowr ah, kadibna u raadinaa Jawaabo macquul ah, si aan uhelno faham ku dhisan natiijo wanaagsan,

Ugu horayn beesha hawiye waxay ku leedahay baarlamaanka xubno badan, waa iyaga kuwa doortay madaxwaynaha ee khayre cod kuma lahayn, Xulis walba oo xumaatana waxaa iska leh eeda qofki xulatay, iyaga ayaana laga rabay xal.

Madaxwaynaha isaga ayaa xushay khayre una arkay masuul lawadaagi kara shaqada loo doortay, bilawgii horeba siyaasiyiinta u dhashay hawiye waxay dagaal la galeen khayre si ay booskiisa uhelaan, balse dedaal uma galin in ay Khayre la shaqeeyaan, heer waxay gaareen shir ay ku yeesheen nayroobi 2018dii ka dalbadaan Madaxwaynaha inuu badalo xukuumadda, taasoo uu ka diiday madaxwaynaha dhagna jalaq usiin,

Siyaasiyiinta hawiye lama shaqeeyaan qofkii iyaga kamid ah ee xil sarre qabta si qofkaasi jaanis ugu helo ka shaqaynta maslaxadda guud iyo tan beesha uu matalo, balse waxay dagaal ugalaan siday kursiga uga ridan lahaayeen, Taasina waa mida dhalisa iyagoo farqaha is haysta In halkaas ku waayaan Xuquuq deegaan iyo Mid Siyaasadeed,Waqtiguna ku dhamaado.

Mar walba dagaal siyaasadeed.walba oo ka yimaada xubnaha beesha hawiye uga jira baarlamaanka waxa uu.ahaay mid khayre lid ku. Taasina waxaa cadaysay markii inta badan xubnaha baarlamaanka ku matala hawiye qayb ka ahaayeen ridistiisa 30 cisho ka hor, hadana xildhibaanadaas Lama yaqaan waxa ay ka helayaan ridistiisa, maanta waxaa banaan booskii ay ka eryadeen mana lahan awood siyaasadeed ay kusoo dhacsadaan, waxa uu banaan. yahay 36 cisho ama ka badan,

Maamulka kaliya ee maanta u dhaqdhaqaaqa siyaasadda hawiye waa Galmudug, Waxaana u dhabar adeegay khayre sidii Dhulka looga qaadi lahaay sharafta galmudug ,bal ka waran.maanta hadii Galmudug ahan lahayd 2020. kahor ? intee la ekaan lahayd saamaynta siyaasadeed ee Galmudug ku leedahay waqtigaan kala guurka ah,

khayre waxa uu ahaay nin kujiray dagaal laba afle ah, Mid waxa uu ku dhisayay awood maamul oo saamayn leh oo wax laqaybsada maamuladda kale oo ay yeeshaan hawiye, dhanka kalana waxa uu dagaal difaac ah kula jiray siyaasiyiin ku beel ah oo hadafkooda siyaasi kaliya yahay kursigiisa in lasiiyo, taasina waxay keentay inuu kujabo meelaha qaar kuna jabaan kuwii jilba jiidayay.

Si kastaba khayre waxa uu ka tagay dhaxal uusan jirin Siyaasi soomaali oo dhaxal ahaan uga tagay 30 kii Sanno ee dambe waxa uu ka tagay ciidan qaran oo nidaam iyo Awood leh ,.waxa uu katagay nidaam dowli ah oo ifafaalo qurxoon leh, waxa uu katagay saystem dhaqaale oo dhisan , waxa uu ka tagay Galmudug oo ah halka uu kasoo jeedo oo leh Maamul midaysan oo Maqaam iyo Maamuus kuleh Saaxada Siyaaaadda dalka, waxaana rajaynayaa in hawiyuhu la imaan doonaan siyaasad ka qurxoon tan ay kujabeen lana shaqeeyaan ruux walba oo xil qabta iyagana matala.

W/Q Ibrahim Khodax Muday
Ina Hassan Cawaale
Sharciyaqaan Barrel Jaamacadeed ah

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here