Muqdisho(dayniile.com)-Hay’ad laga leeyahay Dalka Turkiga ayaa maanta mucaawino soo gaarsiisay Dowlada Soomaaliya iyagoona ugu talo galay in la gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed ee saameyntu ay ku yeesheen roobabka iyo fataahaadaha wabiyada  kuwaasoo qaarkood gaarsiisay inay caleenta cunaan.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macalin  ayaa  mucaawinadaani ka guddoomay Hay’adda IHH oo ah Hay’add ka shaqeysa Caawinta iyo bini’aadamnimada.

Advertisement

Deeqdaan ka timid  Dalka Turkida waxay isugu jirtay raashin,maro kaneecooyin iyomaacuun.

Madaxa Hay’adaan oo ah nin Turki ah ayaa goobta ka sheegay in deeqdaani ahayn tii ugu horeysay islamarkaana aysan noqon doonin tii ugu danbeysay Insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleDagaal Saaka mar kale ka dhex qarxay Qaatumo iyo Somalialnd
Next articleMucaaradka Puntland oo awood dheeraad ah ka helay shirkii buuqa ku dhamaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here