Muqdishi (dayniiile.com)-Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa hadalo uu goor dhaw ka jeediyay banaan bax lagu xusayo qaraxii Zoope ee Muqdisho wuxuu soo hadal qaaday dhibaatada lagu hayo walaalaheen reer Falastiin.

Gudoomiye Maxamuud Macalin wuxuu ugu horeyn u duceeyay shacabkii Soomaaliyeed ee sanadkii hore xiligaan qaraxa ugu dhibtay isgoyska Zoope ee Magaalada Muqdisho.

Advertisement

Gudoomiyaha mar uu soo hadal qaaday dhibaatada reer Falastiin lagu hayo gaar ahaan kuwa GAZA ayuu shaaciyay inay diyaar u yihiin inay gar-gaar raashin iyo dawo u diraan.

“Waxaan ku talo galnay Haddii xuduuda la furo inaan kaalmo shacabkeena laga qaaday  u dirno Marinka Gaza  “ayuu yiri Gudoomiyaha Hay’adda maareynta Masiibooyinka.

Gudoomiyaha wuxuu sidoo kale xusay inay shacabka Soomaaliyeed diyaar u yihiin wax kasta inay u huraan walaalahood.

“Inagoo shcabka kaashaneyna waxaan diyaar la nahay hadii Dowlada Masar furto xuduuda inaan kaalmo gaarsiino marina GAZA” ayuu mar kale yiri Gudoomiyaha

Dhanka kale mar uu ka hadlaayay dhibaatada yuhuudu ku heyso shacabka Falastiin wuxuu la bar bar dhigay Alshhabaab oo uu sheegay inay iyaguna dhibaato ku hayaan shacabka Soomaalida

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

 

Previous articleAadan Barre Ducaalle “Alshabaab hada kadib weerarkeey soo qaadaan waxaa masuuliyada qaadaya ismaamulada Soomaalida” 
Next articleVideo: Alshabaab ” Dagaalkii Xamar ee Mareykanka 1993-kii qeyb ayaan ka ahayn”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here