Muqdisho (dayniiile.com)-Qaar ka mida Xildhibaanada Beesha Udeejeen ee ku matala Faderaalka iyo Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa ka qerybgalay kulan loogu wareejinaayay 15 gaari oo ay ku raran yihiin deeq Mucaawino ah.

Gudoomiyaha Hay’ada Maareynta Masiibooyinka ayaa masuuliyiinta Beesha Udeejeen wuxuu ku wareejiyay deeq       daas oo lagu qiyaasay 200 Tan si loo gaarsiiyo dadka ku dhaqan Degmada Jawiil oo ay saameyn ku yeesheen abaaraha iyo Fatahaaadaha dalk ka jira .

Advertisement

Xildhibaan Dr.Cusmaan Maxamuud Dufle,Xildhibaan Maxamuud C/laahi Abuukaate,Xildhiban Salaad Pakistaan,Gudoomiyaha Degmada Jawiil C/qadir Cabdi C/llaahi iyo Col.Cali Xaashi ayaa kala wareegay Hay’ada Maareynta Masiibooyinka deeqdaasi iyagoona islamarkiia direy gaadiidkaasi.

Hadalo kooban ayay ka jeediyeen masuuliyiintaan iyagoona ka mahadceliyeen garashada Dowlada Soomaaliyeed gaar ahaan Hay’ada Maareynta Masiibooyinka Dalka.

Si kastaba Gudoomiyaha Degmada Jawiil C/qaadir Cabdi C/laahi ayaa lagu wadaa inuu u safro Hiiraan si uu maalmo ka dib raashinkaasi ugala wareeego gadiidka xamuulka oo dhulka ku geyn doona deeqda mcaawinada ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

Previous articleSoomaaliya iyo Jaamacada Carabka maxay ka wada hadleen?+Sawirro
Next articleSaraakiil Atmis iyo Xogga dalka oo iskala qeybgalay kulan Alshabab ka dhan ah oo ka dhacay G.S.hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here