Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa Maxamuud Macalin ayaa saaka ku wareejiyay Maamulka Gobolka Banaadir shixnad gargaar ah.

Shixnaad Gar-gaar ee lagu wareejiyay Maamulka Gobolka Banaadir waxaa lagu sheegay 3,800 oo Tan, taasoo la siin karo 150 kun oo Qoys.

Hay’ada Maareynta Masiibooyinka waxay shixnadaan ugu talo galeen in la gaarsiiyo dadka ay sameyeen fatahaadaha iyo daadadka El-Niño ee ku nool Muqdisho  iyo kuwa ku soo barakacay.

Advertisement
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle iyo Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha bulshada gobolka Banaadir Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa la hadlay saxaafada.

Gudoomiyaha Hay’ada wuxuu sheegay inay Gobolka Banaadir kaga danbeeyaan inay iyagu gaarsiiyaan dadka u baahan isagoona goobta ka cadeeyay inay ku koontarooli doonaan in dadkii mudnaa la gaarsiiyay.

Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha bulshada gobolka Banaadir Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa sheegay inay Hay;ada kala wareegeen shixnadas gar-gaar isagoona balan qaaday inay meesha ku haboon ee loogu talo galay ay ku xiin doonaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
No description available.No description available.No description available.No description available.

Previous articleFaahfaahinta doontii ganacsatada Soomaaliyeed ka gubatay
Next articleDAAWO: Faysal Cali Waraabe ” Laas-caanood Maamul Goboleed ma noqon karto”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here