Muqdisho (dayniiile.com)-Sida ay cadeysay Hay’ada Maaareynta Masiibooyinka Gar-gaarkooda ugu horeeya waxay bari garsiin doonaan Gobolka Geedo madaama uu ka mid yahay meelaha ugu badan ee roobabku ka da’een.

C/qaadir Ciise oo ka mid ah masuuliyiinta Hay’ada Maareynta Masiibooyinka ayaa sheegay  in diyaarada ugu horeysa ay bari u dirayaan Magaalada Dooloow ee Gobolka Geddo si dadka meelaha ale ku dhaqan loo sii gaarsiiyo.

Advertisement

“baardheere ayaa noo qorsheysneyd laakiin waxaan xog ku helnay inaaneey diyaaradi ka dagi karin Baardheere sidaas daraadeed ayaan u weecinay Dooloow”ayuu yiri Masuulkaani ka tiran Hay’ada Maareynta masiiboyinka.

Masuulkaan wuxuu intaasi ku daray in Luuq iyo Baardheere isu jiraan 70KM si loo gaarsiiyana ay dooman sii adeegsan doonaan.

Masuulkaan mar uu ka hadlaayay saadaasha wuxuu sheegay in sedexda maalin ee soo socota in Dabeylaha iyo roobabka Elnino kii 1997 ilaa 1998-dii ay sedex jibaar badan doonto tan maanta.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleDagaal Booliiska iyo Macawisley u dhexeeya oo caawa ka dhacay Guri-ceel
Next articleLaba Soomaali ah oo lagu dilay saacadiii ugu danbeeyay Cabe-town

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here