HomeWarkiiHay'ada NIRA oo shaacisay in kaarka uu lacag noqon doono bisha cusub...

Hay’ada NIRA oo shaacisay in kaarka uu lacag noqon doono bisha cusub ee November

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Hay’ada bixinta kaarka aqoonsiga Somalinimada ee NIRA ayaa warbaahinta waxay ka shaaciyeen in bishaan Oktoobar dhamaadkeeda uu ku egyahay  bixinta kaararka sida lacag la’aanta ah lagu bixiyo.

Masuuliyiin Hay’ada NIRA u hadlay waxay si cad u sheegeen in 31-ka bishaan Oktoobar  ay ku egtahay lacag la’aanta lagu bixiyo kaarka islamarkaana wixii ka bilowda 1-da November in kaarka lagu qaadan doono lacag.

Hay’adu waxay shacabka ugu baaqayaan inay ka faa’iideystaan kaar bixinta hada socota oo ay ugu magac dareen fursad qaran ka hor inta aan lacag laga dhigin.

Madaxweynaha Somalia Dr. Xasan Sheekh ayaa dhawaan mar uu ka hadlayay  ahmiyada Kaarka aqoonsiga Somalinimo wuxuu sheegay inay qof kasta qasab ku tahay madaama  adeeg kasta lagu xujeyn doono muwaadinka Kaarka NIRA isagoo tusaale u soo qaatay xitaa hadii qofku safar uga baxayo halka uu joogo meel kasta ha aadee,iyo sidoo kale haday shahaato waxbarasho tahay iyo dhamaan adeegyada kale.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMHay'ada Diiwangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha – Wasaaradda Arrimaha Guddaha – Soomaaliya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -