Fadhi ay yeesheen Golaha amaanka Qaramada Midoobe ayay ku soo hadal qaadeen arimo ku saabsan talaabo hore Soomaaliya ay uga joojiyeen dhoofinta dhuxusha.

Qaramada Midoobe ayaa markaan fasaxday dhuxusha Soomaaliya in la dhoofin karo walbai si kumeel gaar ah iyadoo ujeedku yahay in la bixiyo keyd badan oo dhuxul ah.

Advertisement

Bishii hore bartamaheeda ayay Dowlada Soomaaliya codsatay arintaan waana laga aqbalay laakiin sida warka ku cad cunuqabateynta si rasmi ah looma qaadin.

“in iyada oo la ogsoon yahay in xaaladda Soomaaliya ay weli khatar ku tahay ammaanka iyo nabadda caalamka, in haddana golaha ammaanku uu si wadajir ah u ansixiyey qaraar qabyo ah oo ka hadlaya, in hal mar la hakiyo, cunaqabataynadii hore ee saarnayd si meesha looga saaro dhuxusha kaydsan.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Qaramada Midoobe.

Dekada Kismaayo ayay yaalaan Keydka dhuxusha ugu badan ee Soomaaliya waana halka kaliya ee awalba laga dhoofin jirey marka loo eego Dekadah kale.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleXOG ku saabsan qatar iyo cabsi soo wajahday Soomaalidii shalay galab u dhooftay Nayroobi
Next articleWasiir xigeenka arimaha Dibada Somalia “ Wax aan u qaban karno malaha Soomaali markiisii horaba sheegatay dal kale”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here