HomeWarkiiHay'ada Qaramada Midoobay oo meel marisay kordhinta cunaqabataynta saaran kooxda Al-Shabaab.

Hay’ada Qaramada Midoobay oo meel marisay kordhinta cunaqabataynta saaran kooxda Al-Shabaab.

NEW YORK (DAYNIILE .COM)-Kulan uu yeeshay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si buuxda waxay ku ansixiyeen kordhinta cunaqabataynta saaran kooxda Al-Shabaab iyo muddada shaqo ee guddiga kormeeraya cunaqabataynta kooxdaasi.

Golaha ayaa isku raacay si loo dhaqan geliyo xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya in la kordhiyo oggolaanshaha baaritaannada maraakiibta badda Somalia.

Sidoo kale waxaa ka mid ah qodobada la meel mariyay mamnuucidda dhoofinta dhuxusha, iyo xakameynta qalabka qaraxyada gacanta lagu sameeyo,sidoo kale waxaa ku jira cunuqabateynta  xayiraada hantida,hubka iyo mamnuucidda safarka.

Mudada kordhinta cunaqabateynta ay isku raaceen dhamaan 15-ka dal ee Golaha Amaanka ayaa ah illaa 12-ka December 2025 ilaa  30-ka Nofeembar 2026 .

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -