HomeWarkiiHay'ada Socdaalka oo shaacisay in wixii hada ka danbeeya kaarka aqoonsiga lagu...

Hay’ada Socdaalka oo shaacisay in wixii hada ka danbeeya kaarka aqoonsiga lagu qaadan doono Baasaboor Soomaaliga

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐪𝐚𝐛𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐉𝐢𝐧𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐊𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐜𝐨𝐝𝐬𝐚𝐧 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐨 𝐁𝐚𝐚𝐬𝐚𝐛𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡.
Shirka Wada shaqeynta iyo Sare u Qaadista Sumcadda Baasaboorka Soomaaliyeed ayaa waxa shir-guddoominayay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaciil Fartaag, waxana qeyb ka ahaa Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cali Cumar Balcad, Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, Maareeyaha Guud ee NIRA Mudane Cabdiwali Cali Cabdulle Timacadde, , Lataliyayaal iyo Mas’uuliyiin kale oo ka kala socday labada hay’adood.
Ujeedooyinka ugu waaweyn ee kulanka waxa ka mid ahaa:
• Hirgelinta isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee qaadashada baasaboorka
• Dardargelinta aqoonsiga caalamiga ah ee Baasaboorka Soomaaliga
• Sugidda iyo tayeynta xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed
• Xoojinta is-dhexgalka nidaamyada xog-wadaagga HSJ iyo NIRA
• Dhisidda hannaan joogto ah oo ay si wadajir ah u fuliyaan labada hay’adood
𝐆𝐨’𝐚𝐚𝐦𝐦𝐨 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲:
• 𝐋𝐚𝐠𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐚𝐚𝐛𝐨 𝟏-𝐝𝐚 𝐒𝐞𝐩𝐭𝐞𝐦𝐛𝐞𝐫 𝟐𝟎𝟐𝟓, Baasaboorka Soomaaliyeed waxaa lagu codsan doonaa Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo xaqiijiyo sugnaanta iyo kalsoonida xogta muwaadinka.
• 𝐋𝐚𝐠𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐚𝐚𝐛𝐨 𝟏-𝐝𝐚 𝐉𝐚𝐧𝐮𝐚𝐫𝐲 𝟐𝟎𝟐𝟔, dhammaan dadka ku safraya dalka gudihiisa waxa looga baahanyahay in ay safarkooda u haystaan kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo hubiyo xogtooda shaqsiga ah.
• 𝐌𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐤𝐚 𝐡𝐨𝐫𝐞𝐞𝐲𝐚 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐝𝐚𝐚𝐬, labada hay’adood waxay si buuxda uga wada shaqeyn doonaan isku dubaridka nidaamyada, tababarka saraakiisha, iyo wacyigelinta bulshada.
Tani waxay ka mid tahay tallaabooyinka muhiimka ah ee lagu xoojinayo hannaanka maamulka socdaalka iyo aqoonsiga muwaadiniinta, iyadoo lagu saleynayo istiraatiijiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan hay’ad casri ah iyo adeegyo la jaanqaadaya baahida shacabka.
Labada hay’adood waxay ku hawlan yihiin dhameystirka hannaan wada-shaqeyn buuxda, si codsiga baasaboorku u noqdo mid la isku halleyn karo, daahfuran, oo si degdeg ah u shaqeeya.May be an image of 10 people, people studying and tableMay be an image of 5 peopleMay be an image of 2 people, television, newsroom and textMay be an image of 2 people, dais and newsroomMay be an image of 3 people, suit and newsroomMay be an image of 1 person, suit and newsroomMay be an image of 3 people, suit and newsroomMay be an image of 5 people and suitMay be an image of 1 person, beard, studying, suit and newsroomMay be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 1 person and suitMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 5 people, people studying, suit, newsroom and daisMay be an image of 4 people, newsroom and the Oval OfficeMay be an image of 12 people, people studying and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -