Booliska Soomaaliya ayaa Sabtidii shalay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku qabtay 48 jawaan oo waxyaabaha maanka dooriya ah, iyadoo ay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo shaqsiyaadka iyo shabakadihii ka dambeeyay isku dayga tahriibka.
War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in raristan ay ka koobnaayeen 48 jawaan oo ay ku jiraan 52 baakidh midkiiba, guud ahaana 2,496 baakadood, oo ay la socdaan lix kartoon oo waraaqo ah oo dawooyinka lagu duubay.
“Maandooriyahan ayaa khatar weyn ku ah amniga iyo nolosha bulshada Soomaaliyeed, waxaana la qabtay ka hor inta aysan dalka ka bixin,” ayaa lagu yiri qoraalka. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa intaa ku daray in ay socdaan baaritaano lagu ogaanayo dadka ku lugta leh falkaasi, waxa uuna wacad ku maray in la horgeyn doono maxkamada awooda u leh.
War saxaafadeedka ayaa looga digay in cid kasta oo ku howlan ka ganacsiga maandooriyaha khatarta ku ah caafimaadka bulshada iyo amniga ay la kulmi doonto cawaaqib sharci oo adag.
Qabashada ugu dambeysay ayaa timid bil kadib markii hay’adaha amaanka ay isla garoonka diyaaradaha ku qabteen 189 xirmo oo isugu jira daroogo iyo kaniiniyo sharci darro ah. Ma jiro wax tuhmane ah oo lagu soo oogay kiiskaas.
