Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka gaar ahaan Booliiska ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay degmooyin katirsan Gobolka Banaadir kaddib markii ay kordheen falalka amniga liddiga ku ah ee Caasimadda ka dhacaya.
Howlgalkaan waxaa hoggaaminayay Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Macalin Mahdi waxaana wehliyay saraakiil kale oo ka kala tirsan Talisyada Booliiska ee Bari & Galbeed oo howlgalka xooggiisa ka dhacay.
Markii uu howlgalka soo gabagaboobay waxaa Warbaahinta faah-faahin siiyay Siciid Barayare oo ah Taliye ku xigeenka qaybta guud ee Booliiska Gobolka Banaadir waxaana uu sheegay in ciidamadu ay soo qabteen dad ku eedeysan in ay ka dambeeyay falalka amniga liddiga ku ah.
“Runtii howlgalkaan waxa uu ahaa howlgal la qorsheeyay oo loogu talagalay in lagu sugo amniga caasimadda, Dhammaan qaybta bari, Galbeed, Bartama Waliyow cadde ayaa soo wada-marnay waxaana taaganahay degmada wadajir qayb kamid ah oo howlgalka ka socday, waxaa lasoo qabtay in aan howlgalka ku jirnay burcad hubeysan, niman looga shakisan yahay nabad-diidka waala soo qabtay waana labaari doonnaa haddii alle idmo” Taliye ku xigeenka qaybta guud ee Gobolka Banaadir Siciid Barayare.
Waa uu sii hadlay waxaana uu yiri: “Howlgalkaan waxa uu ahaa howlgal soo socday laakiin xooggiisa caawa ayuu billawday wuuna socon doonnaa haddii alle idmo, ummadda Soomaaliyeed ee degen Muqdisho waxa aan u sheegenyaa in wadashaqeynta Hay’adaha amniga adkeeyaan, Hay’adaha amnigu kaligood ma sugi karaan amniga haddii aan lala shaqeyn, ninka idinku dhex jira oo aad soo sheegtaan ayaa lagu sugi karaa”.
Ciidamada ammaanka DFS ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howlgallada xooggooda dhaca xilliyada habeenkii, Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in dadka laga shakiyay in loo gudbiyay hay’adaha shaqadoodu tahay in ay baaraan tuhunka laga qabo.