GARISA (DAYNIILE.COM)-Shacabka Ismaamulka Garisa ee Kenyaanku maamulaan ayaa isugu soo baxay magaaladaasi kadib dil habeen hore halkaasi loogu geystay macalin Kenyan ah markii kooxo burcad ahi wadada u galeen xili ay rabeen inay dhacaan.
Isu soo baxayaasha ayaa muujiyay sida ay uga horjeedaan dilka macalinka loo geystay iyagoona ka dalbaday Hay’adaha amaanka sida Booliiska iyo sirdoonka inay soo qabtaan kooxihii dilka geystay oo baxsaday islamarkaana sharciga hor keenaan.
Ninkaan la dilay ayaa macalin ka ahaa xarun lagu tababaro macalimiinta Islaamulka Garisa kaasoo kooxo hubeysani ku heleen habeen hore xaafada buula Mazuuri ee Garisa waxayna gaarsiiyeen dhaawac daran oo markii danbana ku geeriyooday isbitaalka.
Hay’adaha amaanka wali waxay cadeeyeen inaysan wali soo qaban balse ay ku wadaan howlgalo lagu baadi goobayo si ay sharciga u hor keenaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE
