Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in qaaradda Afrika ay tahay meesha ugu badan ee dadka ay u dhintaan is-dilka.

Warbixin ay hay’addu soo saartay ayay ku sheegtay in Afrika ay hoy u tahay lix ka mid ah 10-ka waddan ee ugu badan ee ay ka dhacaan is-dilka ugu badan caalamka.

Qaaradda ayaa la sheegay in 500,000 oo qofba ay leedahay hal dhakhtar dhimirka – 100 jeer in ka yar talada WHO.

Qiyaastii 11 qof ee 100,000 kiiba ayaa isdila Afrika, taas oo ka sarraysa celceliska caalamiga ah ee sagaalkii qof ee 100,000 qofba, ayay tiri WHO.

 

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here