HomeWarkiiHay'adda Caafimaadka Adduunka maxay ka tiri cudurka Kaduudiyaha oo mar kale lagu...

Hay’adda Caafimaadka Adduunka maxay ka tiri cudurka Kaduudiyaha oo mar kale lagu arkay Somalia.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa warbixin ka soo saartay cudurka kaduudiyaha oo mar kale lagu arkay Somalia.

Hay’adaani waxay ka hadashay tallaabooyin looga hortagayo faafitaanka fayraska ay kaneecadu dhaliso ee Kaduudiyaha loo yaqaanno kaasoo maalmihii ugu dambeeyay kiisaaskiisa laga soo sheegay Somalia.

Hay’a inda Caafimaadka Adduunka waxay warbixinteeda ku xustay in qiyaastii 5.6 bilyan oo qof oo ku nool 119 dal la sheegay in ay halis ugu jiraan fayraska kaduudiyaha.

Cudurkaani kaneecadu keento ee Kaduudiyaha wuxuu sababi kara qandho badan, xanuun kalagoysyada ah iyo naafo waqti dheer ah mararka qaar.

Wadamada hada laga soo sheegay waxaa ka mid ah Soomaaliya sida ay cadeysay wasaarada caafimaadka dawladda federaalka Soomaaliya, calaamadaha Soomaalidu ku taqaan cudurkan waxaa ka mid ah in qofku ku adag tahay inuu lugihiisa ku istaago,waxaana dhacda in musqusha ama suuliga markuu qof waliba dhalianaro ah u baahddo in sidii qof dhaawac rasaas qaba garbaha laga galo.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -