Warbixin ka soo baxday hay’adda International Crisi Group ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka culus ee u dhexeeyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday iyo ra’iisul wasaaraha dalka.

Hay’adda International Crisi Group ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan-yanay in la qaado tallaabooyin deg-deg ah oo xal loogu raadinayo xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya, si aysan markale dib ugu dhigin waqtiga loo qorsheeyey inay dhacaan doorashooyinka dalka.

Warbixintan ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay inuu wel-wel xoogleh ka dhashay tallaabooyinkii uu qaaday Farmaajo, waxayna intaasi ku dartay hay’addu inuu Mursal ka codsan karo in cod uu geliyo mooshin xilka looga qaadayo ra’iisul wasaare Rooble

““Dadka qaar ayaa ka welwelsan in madaxweynuhu ka codsado saaxiibkiisa, Guddoomiyaha Aqalka Hoose, Maxamed Mursal Cabdirhaman, inuu ku baaqo in cod loo qaado mooshinka xil ka qaadista Rooble” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka hay’adda International Crisi Group

Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in tallaabo kasta oo xilka looga qaadayo Rooble ay keeni karto muran siyaasadeed oo horleh, maadaama uu mas’uul ka yahay doorashada.

 

Diyaariyey Ahmed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here