Agaasimaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya Mahad Salaad ayaa ilaa hadda sameeyey Isbedelo kala duwan oo gudaha Hay’adda ah, wuxuuna magacaabay xubnahan.

1) Cabaas Yacquub,waxaa loo magacaabay Kaaliyaha maamulka, wuxuu kasoo jeeda beesha Daarood.

2) Dr Calaahi Cabdiraxmaan, waxaa loo magacaabay Kaaliyaha Sirdoonka, wuxuuna kasoo jeeda Beesha Dirta Koonfureed.

3) Aadan dheere, waxaa loo magacaabay Kaaliyaha ciidanka, wuxuu kasoo jeeda Beesha Madaxweyne Xassan Sheekh.

4) Cawaale, kuna magac dheer Profiseer-ka, waxaa loo magacaabay Kaalinka xafiiska Taliyaha, wuxuu kasoo jeedaa Xaafad-hoosaadka Agaasimaha Nisa.

5) Maxamed Kaafi, waxaa loo magacaabay Kaaliyaha Warbaahinta, wuxuu kasoo jeedaa Xaafad-hoosaadka Agaasimaha Nisa.

6) Xamdi Xassan, waxaa loo magacaabay Taliyaha NISA ee garoonka diyaaradaha, waxay kasoo jeedaa Xaafad-hoosaadka Agaasimaha Nisa.

7) Muxudiin Warbac, waxaa loo magacaabay Taliya Caasimadda Muqdisho, wuxuu kasoo jeeda Xaafad-hoosaadka Madaxweyne Xassan Sheekh.

UGU DAMBEYN: 7-dan xil ee hadda lamagacaabay 4 kamid ah waa kuwa cusub oo hadda la abuuray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here