Hay’adda Socdaalka Dunida ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan (IOM) ayaa shaacisay in Dalalka Somalia,Itoobiya iyo Ereteria ay wali yihiin halka laga soo abaabulo tahriibayaasha ku qulqulaya dalalka Khaliijka iyo Yurub marka la eego kororka ku yimid muhaajiriinta.
Hay’adu waxay ku tilmaamtay Soomaaliya,Itoobiya iyo Ereteriya inay yihiin goobaha dadka ugu badan ay ka soo tahriibaan kuwaasoo noloshooda halis gelinaya.
Haweeneyda Nihan Erdogan oo ah Ku-xigeenka Agaasimaha Gobolka Bariga, Geeska iyo Koonfurta Afrika ee IOM ayaa mar ka hadleysay shir ka dhacay Nairobi waxay sheegtay in kooxaha wax tahriibaya ay ka faa’iidesanayaan dhalinyarada raadineysa nolol ka wanaagsan tan ay heystaan si ay Yurub iyo Ameerika u gaaraan.
“dadka la tahriibinayo waxay naftooda halis gelinayaan inay gaaraan Yurub iyo Khaliijka , aad ayayna hada u soo kordhayaan”ayay tiri Nihan Erdogan oo dhanka kalana ugu baaqday dalalka laga soo tahriibayo inay xuduudahooda adkeeyaan.
Hay’adda IOM waxay warixinteeda ku sii sheegtay in socdaalkaan sharci darrada ah uu sabab u yahay colaadaha ,shaqo la’aanta iyo barakaca ka dhashay isbeddelka cimilada kuwaasoo is biirsaday ugu danbeyna dhalinyaro badan u hayaamayaan si ay u heleen nolol ka wanaagsan mida ay ka cararayaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
