TEHRAN (DAYNIILE.COM)-Hay’adda Tamarta Nukliyeerka Dalka Iiraan ayaa goor dhaw oo caawa ah war cusub ka soo saartay weerarkii Mareykanka uu xalay la beegsaday xarumaha hubka nuyukleerka Iiraan.
Hay’addu waxay daboolka ka qaaday inay dayactir ku sameyneyso sia ugu dhaqsiyaha badan goobaha nukliyeerka isla markaana shaqadu sii socon doonto.
Hay’adda Tamarta Nukliyeerka Dalka Iiraan waxay intaasi ku dartay in howlaha wax-soo-saarka nuyukleerka ay halkiisa ka sii wadan doonaan islamarkaana aaney shaqadu u istaageyn weerarkii Mareykanku ku duqeeyay xarumahaasi.
Hay’adaani Iiraan u qaabilsan nuyukleerka waxaa la yaab leh inay warbixintooda ku sii dartay in awood dheeraad ah lagu darayo shaqada bacriminta yuraaniyamka ee laga farsameeyo nuyukleerka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM