Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta kusoo dhigtay Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo ahaa shaqsigii ugu muhiimsanaa ee cadowga Khawaarijta ah uga soo iibin jiray dibadda hubka iyo waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo ee lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed.
Sakariye Kamaal oo ah 28-Jir Soomaali ah, waxaa in muddo ah dabagal ku heysay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, waxaana ugu dambeyn suurto-gal noqotay in Hay’addu gacanta kusoo dhigto xilli uu qorshaynayay in uu si dhuumaalaysi ah ugu sii gudbo goobaha ay ku dhuumaalaysanayaan kooxaha Khawaarijta ee gudaha Soomaaliya.
Sakariye waxa uu ahaa maskaxdii ugu weyneyd koox isku xiran oo dalka dibaddiisa kasoo iibiyay saanad ciidan oo loo waday argagixisada, laguna soo dhex-qariyay shixnado ganacsi, kuwaas oo bishii May ee sanadkan ay ciidanka Hay’adda NISA ku qabteen dekadda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana ninkan dhawaan loo gudbin doonaa Hay’adaha Garsoorka, si loogu qaado dembigiisa.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA waxaa ka go’an in ay gudaha iyo dibaddaba ku beegsato cid walba oo gacan saar muuqda iyo mid qarsoonba la leh argagixisada, kuna garab siineysa dhibaataynta iyo gumaadka shacabka Soomaaliyeed.
XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA
May be an image of 1 person and beard
Previous articleHay’adda qaxootiga UNHCR oo shaacisay in 2500 Tahriibayaal ay dhinteen sanadkaan 2023.
Next articleSaraakiil Atmis ka tirsan oo loo xiray Tababar ku aadan Isgaarsiinta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here