Machadka daraasaadka ee Heritage ayaa faalo kooban oo uu shalay soo saaray diginin ugu diray beesha caalamka, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyo siyaasiyiinta Soomaalida in ay suurtogal tahay in uu dalka ka dhaco dagaal .

Waxa uu sheegay haddii aan la qaboojin xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa dowladda iyo siyaasiyiinta mucaarka ah, uu isku badali karo gacan ka hadal.

Sidoo kale Heritage ayaa xustay inay lagama maarmaan tahay in siyaasiyiinta mucaaradka iyo dowladda fedeeraalka ay kulan isugu yimaadaan ka hor inta uusan dhamaanin muddo xileedka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay ka harsan tahay wax ka yar 20 maalmood.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here