Waxaa maanta Magaaada Muqdisho Heshiis iskaashi oo ku kala saxiixday Dowlada Somalia iyo Jarmalka kaasoo ku kacaya €75 milyan, waxaana Somalia ku matalayay oo u saxiixay Soomaaliya iyo Jarmalka Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene).
Wasiirka oo ka warbixinayay ayaa heshiiskaan ayaa sheegay inuu ka danbeeyay kadib kulamo laba maalin labada Dowladood u socday kaasoo looga hadlayay xirirka iskaashi ee labada dal iyo Mashruucyada Jarmalku ugu talo galay Somalia inuu ku maalgeliyo kaasoo ugu danbeeyay maanta soo gaaray in lagu kala saxiixdo heshiis mashaariic ku kacaya €75 milyan oo ay labada dhinac kala saxiixdeen.

