HomeWarkiiHeshiis Niarobi ku dhex-maray Lafta-gareen iyo Maxamed Mursal.

Heshiis Niarobi ku dhex-maray Lafta-gareen iyo Maxamed Mursal.

NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaas ay kulan ku yeesheen Madaxweynahav Maamulka Koofur-Galbeed C/casiis Lafta-gareen iyo Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Labada masuul ayaa ka heshiiyay khilaaf siyaasadeed oo ka dhex taagnaa kaasoo sababay in Lafta-gareen u diido siyaasigaan inuu booqdo Magaalooyinka Maamulka Koofur-Galbeed.

Sida uu bartiisa Facebook ku cadeeyay Lafta-gareen heshiis ayay gaareen labada masuul kadib kulankooda Nairoobi.

“Waxaan maanta Magaalada Narobi kulan kula qaatay Walaalkayga Gudoomiye Maxamed Mursal oo aan ka heshiinay kala aragti duwanaanshihii siyaasadeed anagoo isku raacnay midnimada, Wadajirka iyo Hormarka Koonfur Galbeed iyo Guud ahaan Soomaaliya inaan ka shaqayno”ayuu yiri Madaxweyne Lafta-Gareen.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA

DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -