HomeWarkiiHeshiis hoosaadkii Madaxweyne Xassan iyo Axmed Madoobe oo bur-burey iyo saameyn laga...

Heshiis hoosaadkii Madaxweyne Xassan iyo Axmed Madoobe oo bur-burey iyo saameyn laga yaabo inuu ku yeesho xiriirka Dowlada iyo dalalka deriska iyo imaaraadka

Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe ma kala furteen kadib tallaabada uu qaaday Xasan? | Caasimada OnlineWaxaa si rasmi ah u bur burey heshiis hoosaadkii ay galeen Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka aan la aqoonsaneyn ee Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) kaasoo jimcaha lagu waday inay si rasmi ah Kismaayo uga shaaciyaan labada masuul.

Madaxweyne Xassan oo Jimcaha lagu waday inuu gaaro Kismaayo ayaa hada fashil ku yimid kadib markii Axmed Madoobe heshiis kula galay Nairobi Saciid Dani oo ah Madaxweynaha Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka iyagoona galabta warsaxaafadeed wada-jir ah ay isla soo saareen ku baaqeen sameynta isbahaysi la magac baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya kaasoo ay ku mideysan yihiin dhinacyadaas.

Hadaba su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah maxaa ka dhalan kara muxuuse talaabe qaadi doonaa Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud madaama qorshihii heshiiska isaga iyo Axmed uu meesha ka baxay.

Waxay u badan tahay in Madaxweyne Xassan dib ugu laaban doono cadaadiskii uu ku hayay Axmed Madoobe ee ahaa inuu ku dul dhiso Jubaland cusub oo saldhigeedu yahay Magaalada Garbahaareey ee Xarunta  Gobolka Geddo si loogu jabsho  Axmed Madoobe.

Sidoo kale burburka heshiiska Xasan iyo Axmed Madoobe wuxuu saameyn ku yeelan doonaa xiririka Dowlada Somalia, iyo dalalka kala ah Imaaraadka ,Kenya iyo Itoobiya oo balantu ahayd inay Axmed Dani cadaadis ku saaraan inuu la heshiiyo Madaxweyne Xassan.

Waxaa kale oo dhici karta hadii Itoobiyaanku raali ka ahayn talaabada uu qaaday Axmed Madoobe waxaa iyadana dhici karta in dhamaan maamulka Jubaland wixii masuuliyiin iyo ciidan ka jooga Geddo laga soo eryo , hadiise Itoobiyaanka iyo Axmed is ogyihiin waxay caqabad ku noqon doontaa joogitaanka Dowlada Somalia ee Geddo gaar ahaan Magaalooyinka Garbahaareey,Balad-xaawo iyo Dooloow.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -