Hey’adda Qaramada Midoobay ayaa war ay soo saartey maanta ku sheegtay in codsi kaga yimid dowladda Soomaaliya, ay kuxirtey hawlgallada rakaabka ee loo yaqaano MOVCON, ee garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, laga soo bilaabo 24-kii bishan December, 2021-ka.

Iyadoo la raacayo Shuruucda Heshiiska Hawlgalka, ayey Qaramada Midoobay uga shaqeysaa Soomaaliya, waxeyna si buuxdaa u ixtiraameysa hey’adda sharciga dowladda Soomaaliya.

Hey’adda ayaa sheegtay in amarkan loo soo saarey si degdeg ah, ayna ka xun tahay in amarka uu soo baxey wada tashi la’aan.

Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa sheegtay iney halkeeda kasii wadi doonto hawlgalkeeda caawinta dadka Soomaaliyeed, iyadoo ay lasoo darseen caqabado kahor imanaya hawlgalkeeda.

 

 

 

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here